Dowlada wadanka Kenya ayaa ciidamo kale oo dheeri ah usoo direysa Gudaha wadanka soomaliya kadib weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo,
Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya Samson Mwathethe. oo warbaahinta Kenya la Hadlay ayaa sheegay in ciidamo kale oo dheeri ah la geyn doono meelo kamid ah koonfurta dalka soomaliya kadib markii ay al-shabaab kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan saldhigayada ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom.
Taliye Samson Mwathethe waxa uu sheegay in ciidamada Kale ay ka qeyb qaadan doonaan la dagaalanka Xarakada al-shabaab oo wali ku sugan meelo kamid ah Gobolada Koonfurta dalka soomaliya isagoo hadalkiisa ku daray in Kenya aysan ka baaqsan doonin ciribtirka al-shabaab,
Dowlada Kenya ayaa dhawaan sheegtay in ay ka aar gudsan doonto al-shabaab kadib weerarkii deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo,

