Hay’ada Human Rights ayaa sheegtay in diyaaradaha dowlada Russia ay duqeymo ku dileen dad Rayid ahaa oo ku Noolaa deegaanka la Yiraahdo Khasham oo u dhow Magaalada Deir Az Zor ee bariga dalka Syria,
Human Rights oo xuquuqda u dooda waxa ay sheegtay in deeganka la duqeeyay ay maamulayeen kooxda Daacish oo dowlada Syria kasoo Horjeeda waxayna Ha’ada Hadalkeeda ku dartay in goobahaas ay ku nolaayeen dad shacab ahaa,
Inta la xaqiijiyay duqeymaha waxaa ku dhintay 63-qof oo 9-kamid ah ay ahaayeen caruur yar yar oo ku nolaa deegaanka la Yiraahdo Khasham oo u dhow Magaalada Deir Az Zor ee bariga dalka Syria, Sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Hay’ada Human Rights,
Tira koobka Rasmiga ayaa ah in 4,272-qof ay ku dhinteen weerada dhanka cirka ah ay diyaaradaha Russia ay ka Fulinayaan dalka Syria, sida lagu sheegay warbixinta Hay’ada Human Rights,
In ka badan 250,000-qof ayaa tiro koob ahaan lagu sheegay in ay ku dhinteen dagaalada ka socda dalka Syria tan iyo markii uu dalkaas ka dilaacay sanadkii 2011-kii dagaalka u dhaxeeya Mucaaradka iyo dowlada Syria uu hogaamiyo Madaxweyne Bashar al-Assad,

