Xildhibaanada Baarlamanka Sooomaliya ayaa Maanta Kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeeshteen xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho,
Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uu shir gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayna soo xaadireen 148 mudane ayaa furitaanka shirka golaha waxaa lagu hordhaariyay labo Xildhibaan oo baarlamaanka ku cusub kuwaasi oo kala ah Xildhibaan Cabdishire Cayaar jacel iyo Xildhibaan Cabdicasiis oo laduba badal Xildhibaan dhintay iyo mid xilka ka tegay.
Kulanka Maanta ee xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa waxyaabo badan loogu Hadlay waxaana warbixino loogu dhageystay Gudiga gadiid garoomada oo dhawaan safar ku Tagay meelo kamid ah Gobolada Koonfureed ee soomaliya,
Sidoo kale xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa kulanka maanta loogu qeybiyay qaraar ku saabsan duqeynta dowladda Kenya ay ka waddo qeybo ka mid ah gobalka Gedo,
Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu baaqay xildhibaanada ka maqan Kulamada Baarlamanka in ay soo xaadiraan kulmada madaama ay horyaalaan shaqooyin badan,

