Dowlada holand ayaa shaacisay in ninkii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday maqaayada ku taalo xeebta liido ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir in uu u dhashay dalka holand.
Dowlada waxaa ay magaciisa ku sheegtay cismaaciil muuse axmed guuleed kaasi oo heestay dhalashada dalka holand.
Warbaahinta gudaha ee dalka holand ayaa baahisay in cismaaciil uu ka dambeeyey dilka ugu yaraan 20 ruux iyo dhaawaca tira badan oo ka midaa dadkii ku sugnaa xeebta liido oo habeenkii qamiista la weeraray.
Waxaa kaloo warbaahinta gudaha ay sheegeen in ismaaciil muuse oo sidoo kale ka dambeeyey weerar lagu qaaday hotel ku yaalo dalka jabuuti sanadkii 2014-kii oo ay sidoo kale ku dhinteen 6 ruux oo u dhashay dalkaasi holand.
Sirdoonka soomaaliya ayaa sheegay in ninkaasi ay qabteen habeenkii qamiista xili uu hugaaminayey weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee lagu qaday maqaayadaha ku yaalo xeebta liido.
Ugu dambeyntii cismaaciil muuse axmed guuleedoo ay hada gacanta ku hayaan ciidanka dowlada ayaa dalka holand tagay sanadkii 1992-dii isagoona ku noolaa magaalooyinka Den Helder iyo Tilburg..

