Eden Hazard iyo Diego Costa oo Chelsea Matalaya Kulanka Arsenal

0

Macalinka kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisa dib u helayso xidigaha Eden Hazard iyo Diego Costa Kulanka ay axad la ciyaari doonaan kooxda Hogaaminaysa Horyaalka dalka Ingiriiska ee Arsenal.

Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka Eden Hazard ayaa si dhaawac ahaan loogu saaray ciyaartiii ay Todobaadkii  Hor ka adkaadeen kooxda Crystal Palace.

Sidoo kale kooxda Chelsea ayaa dib u halayso xidiga Diego Costa oo dhawaan uu dhaawac soo gaaray waxaana la xaqiijiyay in uu safan doono kulanka ay u martin doonaan kooxda  Arsenal. Ee Magaalada London ka dhisan,

Kooxda Chelsea ayaa xili ciyaareedkaan ku jirta waayo aad u xun iyadoona ku jirta kaalimaha Hoose ee kala sareynta Horyaalka dalka ingiriiska, waxayna axad booqan doontaa kooxda arsenal,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here