Dowlada Kenya ayaa aaminsan in kooxda Daacish ay Fikir ku laheyd weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhig ay ciidanka Kenya ku Lahaayeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Saraakiil ka Tirsan Malatariga Kenya oo baariaano sameeyay ayaa sheegay in weerarka uu lamid ahaa kuwa ka dhaca wadamada Ciraaq iyo Syria ay Fuliyaan ciidamada kooxda daacish,
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii Jimcihii aynu soo dhaafnay ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo iyagoona ku sheegay in weerarkaas ay ku dileen askar gaareysa 100-askari oo ku sugnaa saldhig ku yaala deeganka Ceel-cadde,
Dhanka kale Taliyaha Guud ee ciidamada Booliska oseph Boinnet Kenya oo sanadkii aynu dhaafnay warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in al-shabaab ay u kala go’een labo dhinac dhinacna ay Taageeraan kooxda daacish kuwa kalana ay Taageero u yihiin ururka al-qaacida,

