Warar haatan naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in goor dhaweyd Garoonka diyaaradaha Wilson Airport laga dajiyay diyaarad siday 16-askari oo laga soo badbaadiyay ciidamada al-shabaab oo dhawaan dagaal ku qaaday deeganka Ceel-cadde,
Ciidankaan ayaa lagu soo Furtay Howlgal ay ciidamada Kenya ay saakay ka sameeyeen inta u dhaxeysa deeganada Wajeer iyo ceel-cadde oo ah halka sida rasmiga uu dagaalka ugu dhacay jimicihii aynu soo dhaafnay.
Waxaa Garoonka diyaaraha Wilson Airport kusoo dhaweeyay askartaan wasiirka difaaca Kenya haweeneyda Lagu magacaabo Raychelle Omamo iyo Taliyaha Guud ee ciidanka Kenya Samson Mwathethe.
Shalay ayay aheyd markii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya la geeyay askar ku dhaawacmatay weerarkii al-shabaab ay ku qaadeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Dhanka Kale wali waxaa socda baadi-goobta ay sameynayaaa diiyaaraha dowlada Kenya oo wali raadinaya askarta wali ku jirta Howdka deeganka ceel-cadde,

