Ururada Xuquuqda Insaanka ee dalka Kenya, ayaa dowlada Kenya ka dalbaday in ciidanka Kenya ee ku sugan Gudaha dalka sooomaliya in sida Ugu dhaqsiyaha badan loogu soo saaro kadib weerarkii deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
Mudane Dickens Okunda oo ah Guddoomiyaha Urur u dooda Xuquuqda Aadanaha oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Nairbo ayaa sheegay in dowlada Kenya loogu baahan yahay in ciidankeeda ay kala soo baxdo Gudaha Soomaliya madaama ay sii kordheen dhibaatooyinka ay kala kulmaan ciidamada al-shabaab ,
“amaanka dalka Kenya waa mid dayacan al-shabaab waxa ay doonayaan in ciidanka Kenya ay ka baxaan soomaliya ayuu warbaahinta u sheegay Dickens Okunda oo ah Guddoomiyaha Urur u dooda Xuquuqda Aadanaha oo kenya fadhigiisu yahay,
Dhanka kale Baarlamanka Dalka Kenya ayaa maanta sheegay in dowlada Kenya loogu baahan yahay in ciidamo kaloo dheeri ah ay geyso Gudaha wadanka Soomaliya si ay ula dagaalamaan ciidamada al-shaabab,
Kadib weerarkii ay al-shabaab ku qaadeen deeganka ceel-cadde waxaa sii kordhaya cambaareynta loo jeedinayo dowlada Kenya oo loogu baaqayo in ciidankeeda ay kala soo baxdo Gudaha soomaliya,

