Guud ahaan waxaa saro loo qaaday amaanka guud ee dalka Kenya kadib markii ciidamo boolis ah laga howl galiyey caasimada dalka iyo gobolada aadka u mash quulka badan ee dalkaasi Kenya.
Afhayeenka ciidanka booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in feejignaan dheeraad ah oo aad uga badan midii horay dalka Kenya ugu jiray haataan la galiyey guud ahaan dalka.
Charles owino afhayeenka booliska dalka Kenya waxaa uu intaasi ku daray in talaabadaan lagu sugayo amaanka dalka Kenya. kadib weerar shalay ka dhacay deeganka Ceelcadde oo ah meel u dhow dalka kenya.
Waxaa kaloo afhayeenku sheegay in weerarkii shalay uu muujinayo sida kooxdu ay u qaadi karto weeraro cusub oo lagu soo qaadi karo dalka Kenya gudihiisa, waxaa uu intaasi ku biiriyey in xitaa la baaari doono gawaarida ciidanka Kenya ay adeegsadaan si loo hubiyo amaanka dalka.
Shalay aye aheyd markii ciidanka Al-shabaab ay weerareen saldhig ciidanka Kenya ay kula haayeen magaalada ceel cadde oo gobolka gedo ka tirsan.

