Kooxda Liverpool ayaa diyaar u ah in ay dhagaysato dalabka kaga imaanaya qaar kamid ah kooxaha Horyaalka dalka ingiriiska oo ku aadan xidiga Daniel Sturridge oo wali dhaawacan, sida maanta lagu daabacay The Mirror.
26-jirka heerka caalami ee xulka dalka England Daniel Sturridge ayaa kaliyah kusoo bilowday 3-kulan tan iyo markii uu kooxda la wareegay bishii October macalin Jurgen Klopp. ninka reer Germal,
Kooxda Liverpool ayaa xidigaan ku iibin doonto hadii ay hesho aduun dhan £25million madaama uu dhaawac daran qabo aan u suurta galin Karin In uu ciyaaro kulamo dhowr ah,

