Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Ezequiel Lavezzi wakiilkiisa ayaa sheegay in uu xidiga diyaar u yahay u dhaqaaqista Horyaalka dalka Tayaaniga,
Wakiil Alejandro Mazzoni. Oo ah wakiilka xidiga heerka caalami ee xulka dalka Argertine Ezequiel Lavezzi ayaa Tilmaamay in weeraryahanka uu diyaar u yahay in xili ciyaareedkaan uu dib ugu laabto horyaalka dalka Talyaaniga.
Ezequiel Lavezzi ayaa xili ciyaareedkii 2012-ka ka dhaqaaqay kooxda Napoli isagoona ku biiray kooxda Magaalada Paris ka dhisan ee Paris Saint-Germain,

