Dabley Hubeysan ayaa Mar kale Weerartay Saldhiga ciidanka Cirka dalka indiya.

0
Indian Army soldiers with the 99th Mountain Brigade’s 2nd Battalion, 5th Gurkha Rifles, execute an ambush for paratroopers with the U.S. Army’s 1st Brigade Combat Team, 82nd Airborne Division, May 7, 2013, at Fort Bragg, N.C. The soldiers are participating in Yudh Abhyas, an annual bilateral training event between the armies of the United States and India sponsored by U.S. Army Pacific. (U.S. Army photo by Sgt. Michael J. MacLeod)

Kadib laba maalin markii ay dabley hubeysan ay weerareen saldhiga ciidanka cirka ee pathigot kaasi oo ku yaalo xadka dalalka pakistaan iyo hindiya ay wadaagaan ayaa manta waxaa mar kale saldhiga weeraray kooxo hubeysan oo dagaal la galay ciidankii ku sugnaa saldhigaasi.

Dagaalka oo muddo socday ciidanka dowlada ee saldhiga kusugnaa aya waxaa usuurta gashay dilka tira badan oo kooxdii weerarka soo qaaday ka mid ahaa.

Weerarkii hore oo dhacay maalinkii sabtiga ayaa waxaa ku dhintay afar dableydii weerarka soo qaaday ahaa iyo saddex askari oo ciidanka dowlada hindiya ka mid ahaa.

Saldhiga ciidanka cirka ee pathigot ayaa ku yaala xadadka dalalka hindiya iyo pakistaan waxaana uu saldhiga ku yaalaa gobolka punjaab ee dalka hindiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here