Inta la xaqiijiyay Labo ruux ayaa ku geeriyootay oo uu ka mid yahay ninkii fuliyay weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Maqaayada The Village ee ku taallo guriga hooyooyinka waxaana weerarka ku dhaawacmay 4-ruux oo u badnaa shaqaalihii Maqaayada. Iyo dad kaloo xiligaas ku sugnaa Maqaayada,
Laamaha amaanka dowlada soomaliya oo goobta goor dhaweyd gaaray ayaa Halkaas ka wada Howlgalo waxaana la xiray dhamaan wadooyinka soo galayay guriga hooyooyinka degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir,
Dhanka kale qaar kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdishoa ayaa la gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay weerarka maqaayada The Village ee ku taallo guriga hooyooyinka mana jirto cid si Rasmi ah u sheegatay weerarka maanta ka dhacay Maqaayada,
Halkaan Hoose ka Daawo Sawirada









