Maxkamadda Gobolka Nugaal  oo Cafis u Fidisay  laba nin oo u dhalatay dalka Indonesia + Sawiro

0

Wararka ka imaanaya Mgaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa ku waramaya in Maxkamadda Darajada 1-aad Gobolka Nugaal, ay maanta amartay in la sii daayo laba nin oo u dhalatay dalka Indonesia oo mudooyinkii ku xirnaa xabsiga Garoowe,

Mohli Batiwawa iyo Aziz Hermans, ayaa laga qabtay xeebaha deeganada Maamulka Puntland xili ay ku jireen kaluumaysi sharci daro oo laga mamnuucay deeganada Maamulka Puntland waxana la socday 12-ruux uu maamulka horey u fasaxay,

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Gobolka Nugaal, C/nuur Jaamac Xuseen oo ka hadlay tallaabada ay Maxkamadda ku sii deysay labadaasi nin, ayaa sheegay in wax dembi ihi lagu waayay, sidaasi daraadeedna ay fasax yihiin.

Dhanka kale Qareenkii difaacaayay ragga dembiga lagu waayay oo lagu magacaabo Saciid Cabdi Muumin, oo saxaafada kula Hadlay xarunta Maxkamada ayaa soo dhaweeyay sii daysmada Ragaan dambiga Lagu waayay,

e643ea5e 13475414 67ad1c24 57cbaad9 1b34aca7

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here