Dibadbax Saakay ka Socda Gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,

0

Wararka ka imanaaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Gudaha Magaaladaas saakay uu ka socdo dibadbax Lagu Taageerayo heshiiskii dhawaan la kala dhaxdhigay meeleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay Gudaha Magaalada Beledweyne,

Wariyaha Radio Simba ee Magaalada Beledweyne Maxamed Ibraahin siyaas Jermal oo beledweyne ku sugan ayaa saakay soo sheegaya in  aad loogu dareemayo beledweyne dibadbaxa ay dhigayaan dadka Magaalada Kasoo Lagu Taageerayo heshiiskii dhawaan la kala dhaxdhigay meeleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay Galbeed Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Dibadbaxa waxaa ka qeyb galaya Mus’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan sida Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed kuwasoo la Filayo in ay Hadlaaan dadka dibadbaxa dhigaya.

Dhawaan ayay aheyd Markii Magaalada Beledweyne heshiis Nabadeed lagu kala dhaxdhigay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay gudaha Magaalada Beledweyne goobta uu heshiiska ka dhacay waxaa xiligaas ku sugnaa wasiirka amniga Gudaha C/risaaq cumar Maxamed iyo Mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here