Dhageyso: Sarkaal ka Tirsanaa al-shabaab oo isku Dhiibay Maamulka Diinsoor ee dowlada Soomaliya

0

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Sheegoow oo lahadlay Warbaahinta Simba Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Faah Faahin ka bixiyay Sarkaal katirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo isku Dhiibay Ciidamada Dowlada Soomaliya Ee Ku sugan Degmada Diinsoor.

Gudoomiye Sheegoow Ayaa sheegay in Sarkaalkani isku Soo Dhiibay Ciidamada Dowlada uu Yahay Sarkaal si weeyn looga garanayo Degmadaasi Diinsoor islamarkaasina uu kamid ahaa Saraakiisha Sar Sare Ee Al-Shabaab u qaabilsan Gobolada Baay iyo Bakool.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baaay Ibraahim Maxamed Nuur Sheegoow Ayaa Beeniyay warar sheegaya in Sarkaalkaasi Katirsanaa Xarakada Al-Shabaab Ee isku Soo Dhiibay in Loo Gacan Galiyay Ciidamada AMISOM  ee ku sugan Gobolka Bay waxaana uu sheegay in hadda Sarkaalkaasi ay Gacanta ku hayaan Maamulkooda.

Cod1 Gudoomiyaha Diinsoor.

Ibraahim Maxamed Nuur Sheegoow Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Ayaa sheegay in hadda Ay Jiraan Saraakiil Katirsan Al-Shabaab oo la soo Xariirtay kuwaasi oo Doonaya in ay isku Soo Dhiibaan Maamulka Degmada Diinsoor islamarkaasina Wada hadalo Hoose ay u socdaan isaga oo ugu Baaqay Dhalinyarada Kale Ee Al-Shabaab in ay ku soo Dhiibaan Maamulkooda.

Cod 2 Gudoomiyaha Diinsoor.

Dhoowr Jeer oo hore Saraakiil iyo Ciidamo Katirsan Al-Shabaab Ayaa waxa ay isku Dhiibeen Ciidamada Dowlada Ee Ku sugan Gobolada Baay iyo Bakool Ee Koonfurta Wadanka Somalia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here