Qof sitay mooto ayaa isku qarxiyey dhismo ay laheyd dowlada pakistaan oo ku yaalay magaalada mardan ee Waqooyi galbeed ee dalka pakistaan.
Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 12 saraakiil oo dowlada ka tirsanaa ayaa qaraxa ismiidaaminta ah ku geeriyooday. sida lagu baahiyay Tv-ga dowlada Pakistaan,
Waxaa qaraxa lala bartilmaa meedsaday xarunta tira koobka ay dowlada ku leedahay magaalada mardan ee waqooyi galbeed dalka Pakistan.
Jamat Ul Ahrar oo ah garab yar oo ka mid ah kooxda taalbaan ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa ismiidaaminta ah ee lagu wweeraray xarunta tiirakoobka ee dowlada Pakistan ay ku leedahay magaalada Mardan.

