Dowlada Imaaratka oo Sheegtay in ay  Hormar Sameysay  dowlada Soomaaliya .

0

Safiirka dalka imaraatka u qaabilsan wadanka soomaaliya ayaa amaanay hormarka ay ku talaabsatay dowlada soomaaliya sanadihii dambe aynu soo dhaafnay

Hadalkaan ayaa Safiirka imaaratka ee soomaaliya u jooga  Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi waxa uu ka sheegay kadib kulan uu la  qaatay wasiirka arrimaha diinta iyo owqaafta dowlada soomaaliya Cabdi Risaaq sheikh Cali Baqdaadi.

Wasiirka diinta iyo owqaafta dowlada soomaaliya Cabdi Risaaq sheikh Cali Baqdaadi ayaa dowlada Isutaga Imaaratka carabta uga mahad celiyey taageerada walaaltinimo ee ay la garab taagan tahay dalka soomaaliya.

Labada wasiir ayaa kulan kooda uu ka dhacay safaaradda dalka imaaratka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Dowlada imaaratka ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha carabta ee dowlada soomaaliya taageera waxaana dowlada imaaratka ay balan qaadeen in ay bixin doonaan mushaarka ciidanka dowlada soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here