Xaalada degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo Saakay degan

0

Wararka ka imaanaya degmada qorxooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa ku waramaya in xaalada ay saakay dagan Tahay  kadib markii xalay degmadaas ay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo garab ka helaya kuwa amisom iyo al-shabaab oo weerar dhinacyo badan kusoo qaaday degmada.

Inta la xaqiijiyay dagaalkii xalay ka dhacay Gudaha degmada Qorxooley waxaa ku dhintay 10-qof halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen sida aynu wararka ku helayno waxaa intooda badan ay ahaayeen kooxihii Halkaas ku dagaalamay,

Dhanka kale ciidamada al-shabaab ayay u suurta gashay in ay la wareegaan saacado kooban saldhiga degmada qoryooley, xarunta degmada iyo wadooyinka soo gala degmada qorxooley ee Gobolka shabeelaha Hoose,

Maamulka degmada qoryooley  ee dowlada Soomaliya oo ka Hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay dib kaga saareen al-shabaab degmada saakayna ay socdaan Howlgalo baaritaano ay wadaan ciidamada dowlada soomliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom,

Dhanka kale Al-shabaab oo dagaalka ka Hadlay ayaa sheegay in ay dagaalkii xalay  ku dileen saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom iyagoona sidoo la wareegay saanado Malatari oo yaalay xarumihii ay la wareegeen.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here