Kadib markii Jimcihii aynu soo dhaafnay Magaalada Ceel-barde ee Gobolka Bakool loogu dhawaaqay Maaamul La Magac-baxay bakool sare ayaa waxaa arimahaas ka Hadlay mid kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Bakool,
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ee kasoo jeeda Gobolka Bakool oo warbaahinta la Hadlay ayaa ku eedeeyay Maamulada Puntland iyo juba-land in ay qeyb ka Yihiin Maamulada sameeyay Maamulka Bakool sare oo dhawaan loogu dhawaaqay degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool.
Waxa uu tilmaamay Xildhibaan (Afaraale) Gobolka Bakool inuu ka kooban yahay Shan Degmo, dhamaantoodna ay hoostaggaan Maamulka Koonfur Galbeed, soomaliya balse ay jiraan Xildhibaano iyo Siyaasiyiin doonaya inay iska hor keenaan Bulshada ku nool Deeganadaasi.
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) wuxuu ugu baaqay dowlada dhexe ee soomaliya in ay ka hortakto siyaasiyiinta iyo Maaamulada doonaya in ay burburiyaan Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya iyagoona dhisayo Maamulo kale,
Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Ceel-Barde ee Gobolka Bakool loogu dhawaaqay Maamul ka kooban degmooyinka Ceel-barde Yeedh, Aato.

