Ninkii ka dambeeyay Dilkii Gudoomiyihii degmada Afgooye oo Gacanta lagu Soo dhigay

0

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ninkii ka dambeeyay dilkii Gudoomiyihii degmada Afgooye ee Maamulka dowlada soomaliya  C/laahi Maxamed Iideey oo Degmadaasi dhawaan  lagu dilay.

Taliyaha Saldhiga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Amiin oo saxaafada kula Hadlay degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Baaritaano ay sameeyeen ciidamada Booliska ay ugu suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan ninkii ka dambeeyay dilka gudoomiyihii degmada afgooye.

Waxa uu sheegay Taliyaha Saldhiga Degmada Afgooye  in Ninkii ka dambeeyay dilka Gudoomiyihii degmada afgooye uu Haatan ku xiran Yahay saldhiga Booliska degmada afgooye dhawaana Maxkamad lasoo Taagi doono.

Dhawaan ayay aheyd markii nin Hubeysan uu gudaha degmada afgooye uu ku dilay Gudoomiyihii degmada afgooye  Ala ha u naxariistee C/laahi Maxamed Iideey,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here