Maamulka Gobolka banaadir ee dowlada Soomaliya ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan loogu Hadlaayay Hormarka gobolka Banaadir iyadoona kulan ay kasoo qeyb galeen laamaha amaanka Gobolka Banaadir,
Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in kulanka maanta diirada Lagu saaray sidii Gobolka Banaadir loogu Hormarin lahaa dhanka amniga, Nadaafada, iyo isdhaxgalka bulshada,
C/fitaax Cumar Xalane waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka Go’an tahay sidii Gobolka Banaadir loogu Hormari dhanka amniga isagoona sidoo kale Tilmaamay in Laamaha amaanka ay balan qaadeen in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeyn doonaan sugida amniga Gobolka Banaadir,

