Dhageyso: Maamulka Degmada Dharkinley oo Faah-Faahin ka bixiyay dil Saakay ka dhacay Gudaha Dharkinley

0

Maamulka degmada Dharkinley ee dowlada Soomaliya  ayaa ka warbixiyay sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Malatariga oo saakay lagu dilay Gudaha degmada dharkinley ee Gobolka Banaadir,

Daauud C/laahi Nuur Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada ee Maamulka degmada Dharkinley oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay saakay gudaha degmadaas ay ku dileen mid kamid ah saraakiisha ciidamada Malatariga ee dowlada soomaliya,

Gudoomiye ku-xigeenka  dhanka amniga iyo siyaasada ee Maamulka degmada Dharkinley  waxa uu Magaciisa ku sheegay ninka la dilay Canshuur Caraaye subeer waxa uu  dilka ku eedeeyay rag Hubeysan oo markii dambe goobta ka baxsaday waa siduu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Daauud C/laahi Nuur waxa uu sheegay in ay socdaan Howlgalo lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka loo geystay sarkaalkaan ka Tirsanaa Ciidamada Malatariga dowlada soomaliya oo saakay lagu dilay degmada dharkinley,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here