Wasaarada Arimaha Gudaha oo Shaacisay Xiliga uu Furmi doono Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

Wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen odawaa oo saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe in uu Furmi doono todobaadkaan soo socdo Gudihiisa,

C/raxmaan Maxamed Xuseen odawaa  wasiirka arimaha Gudaha  ayaa sheegay in ugu dambeyn heshiis laga gaaray  furitaanka shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe isagoona hadalkiisa ku daray in shirka uu si rasmi ah kaga Furmi doono Magaalada Jowhar ee Gobolka dhexe,

Dhanka kale waxa uu sheegay wasiirka in la qanciyay odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo mudooyinkii dambe kasoo horjeeday in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Lagu qabto Magaalada jowhar.

Wasiir C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa sheegay in Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo maraayo wadadii loo maray Maamulka Galmudug ee fadhigiisa Cadaado yahay.

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here