Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya oo Ansixiyay Sharciga Xanaanada Xoolaha

0

Golaha wasiirada xukuumada soomaliya ayaa Maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshtay Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya iyadoona shirka Golaha wasiirada uu shir gudoominayay raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke,

Afhayeenka xukuumadda Soomaliya C/salaam Caato oo shirka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulankii Maanta warbixino loogu dhageystay Wasiirka arimaha Gudaha xukuumadda soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen odawaa oo dhawaan gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,

Wasiir Odawaa ayaa xusay in safarkii uu madaxweynuhu ku tagay Beledweyne laga gaaray guulo waaweeyn iyo isfaham, isagoo dhinaca kale tilmaamay in heshiis buuxa laga gaaray dagaal beeleedyo ka dhacay Beledweyne.

Dhanka kale Golaha wasiirada xukuumadda soomaliya ayaa ansixiyay sharciga xanaanada xoolaha oo ay soo bandhigtay wasaaradda xanaanada xoolaha, kaasoo mudnaan gaar ah u leh xaanaaneynta xoolaha, iyo iib geyntoodaba.

Golaha wasiirrada ayaa aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqota hey’adda  Islaamiga ah ee horumarinta dhaqaalaha ee loo yaqaano ICD, waxa ayna hey’adaasi hoos tagtaa bangiga horumarinta Islaamka.

Sidoo kale Golaha wasiirrada ayaa  ansixiyay heshiiska tayo dhowrka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha, waxaana tayo dhowr lagu sameyn doonaa dhameen badeecadaha dibadda laga keeno.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here