Maamulka Magaalada Beledweyne ee dowlada soomaliya ayaa diiran u soo dhaweeyay Magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan,
Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne Xuseen Macalin Qalaafow oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Magaalada Beledweyne uu si diiraan u soo dhaweynayo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiiraan Yuusuf Axmed Hagar yuusuf Daba-geed. oo Lagu Magacaabay wareegto Madaxweyne
Xuseen Macalin Qalaafow waxa uu sheegay in Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan yuusuf Daba-geed. Uu yahay shaqsi aad u yaqaano sida loo Hogaamiyo Gobolka Hiiraan horeyna xilal ugu soo qabtay Gobolka,
Hadalka Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne Xuseen Macalin Qalaafow ayaa imaanaya xili shalay xil ka qaadis Lagu sameeyay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan afrax oo mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,

