Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa amisom in Maanta qarax bambaano lagula eegtay Gudaha Magaaladaas,
Qaraxa ayaa ka dhacay Gudaha Xaafadaha Ruusiyo iyo Absiibo ee Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ahaa,
Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ayaa saakay aroortii iyo duhurnimadii Maanta Howlgalo baaritaano ah ka waday Gudaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii Maalmihii dambe ay ka dhacayeen qaraxyo.

