Macalinka Kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo hadii shaqada kooxda Manchester City loo magacaabayo ninka reer Spain ee Pep Guardiola
Hogaamiyaha kooxda Beyer Munich Pep Guardiola ayaa lala xiriirinayaa shaqada kooxda Manchester City xili Maalmaha soo socda uu istiqaalada u gudbin doono Maamulka sare ee Kooxda Beyer Munich
Agaasimayaashii Hore ee kooxda Barcelona Ferran Soriano iyo Txiki Begiristain ayaa kamid ah dadka doonaya in lasoo xiro Galiyo macalinkii Hore ee kooxda Barcelona Pep Guardiola xili sidoo kale lala xiriirinaayo kooxaha Chelsea iyo Manchester United

