Dowlada faransiiska ayaa ku dhawaaqday in ay xayiraada dhanka dalxiiska ay ka qaaday magaalooyinka dalka Kenya ee ku wanaagsan dalxiiska.
Waaxda arrimaha dibada faransiiska waxa ay sheegeen in muwaadiniinta faransiiska loo ogolaaday in ay gaaraan goobaha dalxiiska ee dalka Kenya waxaana ay intaasi ku dareen in aysan hada jirin Qatar laga qabo dhanka Al-shabaab ee ku aadan in la waxyeeleeyo muwaadininta faransiiska ee dalka Kenya u dalxiis tagayo.
Qeybta dalxiiska Kenya ayaa durbaba soo dhaweysay hadalka kasoo yeeray Faransiiska ee ah in xayiraada laga qaaday magaalooyinka xeebta leh ee Mombasa, malindi iyo kilifi.
Safiirka Faransiiska ee dalka Kenya Remi Marechaux ayaa sicad u sheegay in hada aysan jirin Qatar weyn oo muwaadininta faransiiska kaga imaan karta Al-shabaab, waxaa kaloo uu mugdiga ka saaray in hada faransiiska ay u cabiran tahay heerka uu la egyahay Amaanka dalkaasi.
Bartamihii bishii May ee sanadka 2014, ayaa dalalka Faransiiska, ingiriiska, maareykanka iyo Australia ay soo saareen digniino loo jeediyey muwaadininta dalalkaasi in ay u safraan dalka Kenya kadib markii weeraro texano ah ay Al-shabaab ka fuliyeen magaalooyinka lootago dalxiiska ee dalka Kenya.

