Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan wararka haatan ka imaanaya ayaa sheegaya in heshiis Rasmi ah laga gaaray dagaaladii Maalmihii dambe ka dhacayay Galbeed Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Goobta heshiiska lagu gaaray waxaa ku sugnaa xubno dowlada soomaliya socday sida wasiirka amniga Gudaha xukuumada soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo xubo kale oo dowlada soomaliya ka Tirsan , waxgaradka Magaalada Beledweyne, odayaasha, Nabadoonada Labada dhinac ee dagaalamay iyo Gudiga xalinta colaada Magaalada Beledweyne,
Ugu Horeyn Wasiirka amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo goobta ka Hadlay ayaa ugu baaqay meeleeshiyo beeleedka ku dagaalamay Magaalada Beledweyne in ay ka shaqeeyaan Nabada Gobolka Hiiran.
Wariyaha Magaalada Beledweyne ee Radio Simba ayaa Caawa kusoo waramaya in xaalada Magaalada beledweyne ay Dagan Tahay xalna laga gaaray dagaaladii Maalmihii dambe ka soconayay Gudaha Magaalada Beledweyne.

