kooxda Chelsea ayaa shaacisay in ay shaqada Macalinimo ay ka ceyrisay macalinkeeda Jose Morinho kadib markii xili ciyaareedkaan uu ku Bilowday waayo aad u xun.
war kasoo baxay kooxda Chelsea ayaa Lagu sheegay in naadiga Chelsea ay go’aansatay in ay shaqada Macalinimo ka ceyriso macalinka reer Portugal ee Jose Morinho
Dhanka kale Macalinka oo shir jaraaid ku qabtay garoonka kooxda Chelsea ayaa sheegay in uu aad u jecel yahay taageerayaasha kooxda Chelsea laakin uu nasiib u yeelan waayay In uu goolo ku hogaamiyo naadiga ku dhisan Galbeedka Magaalada London ee dalka Ingiriiska


Abdi Quuri liked this on Facebook.