Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirada arimaha Gudaha iyo kan amniga oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ayaa kulamo kula leh Magaaladaas waxgaradka iyo odoyaasha magaalada beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdigaan uu Hogaaminayay wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa waxaa kamid ahaa wasiirka amniga dowlada soomaliya C/risaaq cumar Maxamed Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane xuseen guuleed, ujeedka ay u gaaraan Magaalada Beledweyne ayaa Lagu sheegay in ay kala dhaxgalaan meeleeshiyo beeleedka ku dagaalamayay Magaalada beledweyne.
Inkastoo xabad joojin la kala dhaxdhigay meeleeshiyo beeleedka ku dagaalamay Magaalada Beledweyne hadana dadka ku nool Magaalada Beledweyne ayaa ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal magaaladaas ka dhaco,

