Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalada Magaalada Beledweyne ay haatan dagan tahay kadib markii saakay mar kale uu dagaal ku dhaxmaray meeleeshiyo beeleed wada daga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,
Dadka ku sugan Magaalada Beledweyne gaar ahaan Galbeedka Magaalada Beledweyne ayaa idaacada simba u sheegay in xaalada galabta ay Tahay mid aad u dagan kadib markii saakay aroortii uu dagaal Magaaladaas ku dhaxmaray meeleeshiyo beeleed,
Dhanka kale Maamulka Magaalada beledweyne iyo Taliska Amisom ee Gobolka Hiiraan ayaa ku guuldareystay xalinta dagaalka u dhaxeeya meeleeshiyo beeleedka ee wada daga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.


Abdi Quuri liked this on Facebook.