Labo ruux oo galabta Lagu dilay degmada Hodon

2

Sida ay sheegayaan wararka Labo ruux oo shacab ahaa  ayaa Galinkii dambe ee maanta waxaa Lagu dilay Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan.

Dabley aad u  hubeysneed  oo la socday gaari kale oo kuwa raaxada ah ayaa ku hor jaray gaarigii ay wateen labadaasi qof iyagoona durbaba rasaas xoogan ku Furey gaariga taasi oo keentay dhimashada Labo ruux oo shacab ahaa  .

Ciidamada dowlada soomaliya oo goobta gaaray ayaa baaritaano ka sameeyay goobta iyagoona wali ku raad jooga ragii ka dambeeyay dilka loo geystay Labada ruux ee gaariga sarnaa

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaaya in labadaasi qof ay ka tirsanaayeen Hay’adda UNHCR, inkastoo aanay jirin cid illaa iyo hadda faah faahin ka bixisay waxa ay ahaayeen dadkaasi.

2 YORUMLAR

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here