Xaalada Magaalada Beledweyne oo Caawa Kacsan oo Rasaas laga Maqlayo Galbeedka Magaalada Beledweyne

1

Wali waxaa kacsan xaalada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii  maanta ay ku dagaalameen meeleeshiyo beeleed wada daga Magaalada Beledweyne.

Galbeedka Magaalada Beledweyne waxaa caawa Laga Maqlayaa rasaas goos-goos ah oo ay isweedaarsanayaan ciidamada maleeshiyo beeleedka Maanta ku dagaalamay Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Taliska amisom ee Gobolka hiiraan ayaa la sheegay in ay ku guul dareysteen xalinta Colaada Magaalada Beledweyne iyagoona gaari waayay goobaha ay maanta ku dagaalameen maleeshiyo beeleedka,

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii maanta ku dhaawacamay 25-qof oo u badnaa dadkii Rayidka ahaa ee ku nolaa Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyadoona dhaawacyadooda  la dhigay isbitaalka weyn ee Magaalada Beledweyne,

 

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here