Maamulka ahlusuna oo ka Hadlay Wada-hadal ka Furmi doona Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud

1

Maamulka ahlusuna waljameeca ee Gobolada dhexe ayaa ka Hadlay wada-hadal la sheegay in dhawaan uu ka Furmi doono Magaalada dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya

Afhayeenka Maamulka ahlusuna sheikh mursal Maxamed xeefow oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin wararka ku aadan in Maamulka ahlusuna waljameeca ay aqbaleen shirka wada-hadalka  oo dhawaan ka Furmi doona Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

sheikh mursal Maxamed Xeefow waxa uu Tilmaamay in Maamulka ahlusuna aysan jirin Mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsan oo lasoo xiriirtay oo kala Hadashay wada-hadalka isagoona Hadalkiisa ku daray in Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cali Sharmarke uu mar walba xiriir la leeyahay Maamulka Galmudug,

Hadalka Afhayeenka Maamulka ahlusuna sheikh mursal Maxamed Xeefow ayaa imaanaya xili la sheegay in Magaalada Dhuuso Mareeeb ee Gobolka Galgaduud oo ka Furmi doono shirka u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo ahlusuna waljameeca

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here