Wali Waxaa degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ka socota waan -waan Lagu doonayo in lagu sii daayo gabdho dhawaan ay xabsiga dhigeen ciidamo ka Tirsan kuwa maamulka ahlusuna kadib markii gabadhaha lagu qabtay iyagoo ka ganacsanaya dhar ku sawiran calanka Maamulka Galmuudg.
Qaar kamid ah Ehelada Gabadhaha oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin ay lasoo daayo gabdhahooda oo dhawaan ay xabsiga dhigeen ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe,
Maamulka ahlusuna oo dhankooda ka Hadlay xariga gabdhaha ayaa sheegay in maxkamad la saari doono gabdhaha ka ganacsanayay dharka ku sawirnaa Calanka dowlad Goboleedka Galmudug madaama xiriirka Maamulka Galmudug iyo ahlusuna uu aad u xun yahay xiligaan,

