Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa kulankooda caadi ahaa waxa ay maanta ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka soomaliya ee Magaalada Muqdisho,
Ajendaha maanta Horyaala Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa ah u codeynta Sharciga Iibka Qaranka, kadib markii Sharcigaan uu soo maray saddex Akhrin oo sida sharciga ah
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah Habdhowraha Baarlamanka soomaliya ayaa warbaahinta simba u sheegay in kulanka Maanta ay xildhibaanada ugu codeyn doonaan Sharciga Iibka Qaranka oo mudooyinkii dambe akhrin kala duban marayay,

