Magaalooyin ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho maanta Waxaa lagu qabtay Munaasabado lagu Xusaayo Maalinka loo asteeyey Maalinka Xuquuqda aadanaha oo ku beegan Maanta.
Munaasabaddan ayaa sannad Walba Maantoo kale laga Xusaa Dalka Soomaaliya waxaana lagusoo bandhigaa inta badan dhibaatooyin la sheegay in loo geysto dadka bini aadamka ah
munaasabad maanta muqdisho ka dhacday ayaa waxaa ka qeybgalay madax dowladda soomaaliya ka tirsan waxaana ay wada sheegeen dhammaantoodba in dalka laga ilaaliyo xadgudubyada ka dhanka ah biniaadamka ee soomaaliya ka dhaca.
dhinaca kale waxaa lagu waramayaa in soomaaliya wali ay ka dhacaan falalka la xariiri ku xadgudubka xuquuqda dadka.

