Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ayaa maanta si buuxda u la wareegay deegaano hoos Yimadaa Magaalada Johwar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Deeganada ay la wareegeen Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ayaa la sheegay in ay ku Yaalaan Galbeedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe,
Wariye ku sugan Magaalada Johwar ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay aroortii Hore ee saakay ay gaareen Galbeed Magaalada Jowhar oo Mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab oo mudo ka Hor Laga saaray meelo kamid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe,

