Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga Maamulka degmada Heliwaa Abshir Maxamed Maxamuud oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in Howlgalkii saakay laga sameeyay degmada Heliwaa lagu soo qab-qabtay dad aad u Fara badnaa isagoona sheegay In dhawaan la kala saari doono dadka Howlgalka Lagu soo qab-qabtay,
Howlgalka ayaa intiisa badan laga sameeyay Xaafada suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir iyadoona Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga Maamulka degmada Heliwaa Abshir Maxamed Maxamuud uu Tilmaamay in xaafada suuqa xoolaha ay kamid Tahay meelaha inta badan laga soo weeraro ciidamada dowlada Soomaliya
Dhanka kale Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga Maamulka degmada Heliwaa Abshir Maxamed Maxamuud waxa uu ka codsaday shacabka degmada Heliwaa in ay la shaqeeyaan ciidamada dowlada soomaliya si meesha loogu saaro kooxaha Falalka amni darada ka geysta degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir,

