Dhageyso: Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo ku eedeeyay Madaxweyne Gaas Hurinta Dagaalka Magaalada Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo shir Jaraaid saxaafada ugu qabtay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka Hadlay dagaalkii saakay Mar kale  ka dhacay Magaalada Gaakacyo ee Gobolka Mudug,

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Tilmaamay in dagaalka ay soo qaadeen Ciidamada Maamulka Puntland isagoona sheegay in ay iska caabiyeen ciidamada Maamulka Galmudug oo ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Sidoo kale Mudane C/kariin xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Gaas in uu soo abaabulay dagaalkii saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka  Mudug,

Madaxweyne C/kariin xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay dhigiisa Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas   in uu ka shaqeeyo Nabada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa imaanaya Xili saakay Mar kale uu dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta  Gobolka Mudug,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here