Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa Maanta Kulankooda Caadiga ahaa kuleh Xarunta Golaha Shacabka Soomaliya ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya,
Kulanka Maanta ayaa Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya waxaa loo qeybin doonaa sharciyo ay soo diyaariyeen Gudiyadii Isku dhafka ahaa ee dhawaan loo diray Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo,
Habdhowraha Baarlamanka Soomaliya Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In Kulanka Maanta ee Baarlamanka Soomaliya loogu doodi doono labo ajende oo kala ah qaraar ay soo diyaariyeen Gudiga Maaliyada ee Baarlamanka Soomaliya, iyo Gudiyadii dhawaan loo direy Magaalada balad-xaawo ee Gobolka Gedo,
Dhawaan ayay aheyd Markii Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ay Guddi isku dhaf ah ay u direen Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo si ay wax badan ugu soo ogaadaan Arinta ku aadan darbiga ay dowlada Kenya ka dhisayso Xuduud beenaadka.

