Askari ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaliya oo Nin Ganacsade ahaa ku Dilay Suuqa Beledweyne

0

Askari ka Tirsanaa Ciidamada  Dowlada Soomaliya ayaa Maanta gudaha Magaalada Beledweyne ku dilay nin Ganacsade ahaa oo ku suganaa suuqa Xoolaha Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Askariga iyo ninka Ganacsade ahaa ee la dilay ayaa isku Qilaafay Canshuur ay Ciidamada dowlada Soomaliya ay ka qaadayeen Ganacsatada suuqa xoolaha Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,

Dhanka kale Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ay kaga Hadlayaan dilka loo geystay ganacsadahaan kamid ahaa kuwa xoolaha u iib geeya Gobolada woqooyi ee soomaliya,

Dhawaan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa Lagu dilay Nin ka Tirsanaa Hay’ada Main action iyadoona Marar badan Gudaha Magaaladaas ay qalalaaso ay ka Sameeyeen Ehelada Marxuumka La Dilay,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here