Madaxweynaha Marekanka Obama oo Soo Dhaweeyay Talabadii Ciidamada Turky-ga ay kusoo Rideen Diyaarad laga lahaa Russia

0

Madaxweynaha Wadanka Marekanka  Barack Obama  ayaa Taageeray Talaabadii ciidamada Cirka dalka Turky-ga ay kusoo rideen diyaarad Dagaal oo laga lahaa wadanka Russia,

Isagoo Qadka Taleefanka kula Hadlay Madaxweynaha wadanka Turky-ga Erdogan ayuu sheegay Obama in dowlada Marekanka ay soo dhaweeynayso Talabadii ciidamada cirka dowlada Turky-ga ay kusoo rideen diyaarad laga lahaa wadanka Russia oo shalay kusoo dhacday xuduudka Syria iyo Turky-ga kadib gantaal ay ku rideen ciidamada cirka dalka Turky-ga.

Xiriirka  u dhaxeeya dowladaha Marekanka iyo Russia ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid aad u xumaa kadib markii labada Dowlada ay isku qilaafeen duqeynta dalka Syria oo daacish ay ku sugan Yihiin,

Dhanka kale Madaxweynaha Russia Vladimir Putin oo ka Hadlay talabadii ciidamada dowlada Turky-ga ay kusoo riday diyaaradii Dalka Russia ayaa Talabadaas ku Tilmaamay Mid xumeynaysa xiriirkii u dhaxeeyay dowladaha Russia iyo Turky-ga,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here