Xaalada MagaaladaGaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saakay dagan Kadib Markii shalay ay ku dagaalameen Ciidamo ka kala Tirsan Mamulada Puntland iyo Galmudug.,
Dad ku Nool Magaalada Gaalkacyo oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaalada Saakay ay Tahay mid aad u dagan kadib markii subaxnimadii shalay Koonfurta Magaalada ay ku dagaalameen ciidamo kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Inta la xaqiijiyay In ka badan 10-qof ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 40-qof oo u badnaa caruur iyo haween waxaana la dhigay dhaawacyadooda Isbitaalka Magaalkada Gaalkacyo ee Gobolka Mugud.
Dowlada Soomaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyadoona sidoo kale dowlada ugu baaqday Madaxweynayaasha Labada Maamul in Miiska-wadahalka ay iskugu Yimaadaan si xal buuxa loogu gaaro dagaalkii shalay Ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

