Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada Fedraalka Soomaliya ayaa Maanta kulankooda Caadiga ahaa ku leh Xarunta Golaha Shacabka Soomaliya ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka Maanta ayaa loogu doodi doonaa wixii xog ahaa oo ay soo Aruuriyeen gudigii isku-dhafka ahaa ee dhawaan Gaaray degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo kuwasoo u kuur Galay Darbiga la sheegay in dowlada Kenya ay ka dhisayso Xuduud beeneedka Soomaliya iyo Kenya.
Xubnaha Gudiga isku-dhafka ahaa ee gaaray Degmada Balad-xaawo ayaa ka koobnaa Xukuumada Soomaliya iyo Baarlaamka Soomaliya waxayna degmada Balad-xaawo ay kula soo Kulmeen Maamulka degmada Balad-xaawo iyagoona kala soo sheekeystay Darbiga la sheegay in dowlada Kenya ay ka dhisayso Xuduud Beeneedka.
Dhanka kale Dowlada Soomaliya ayaa dhawaan Sheegtay in aysan aqbali doonin Darbiga ay dowlada Kenya ay sheegtay In ay ka dhisi doonto Xuduud beeneedka Soomaliya iyo Kenya

