Wasiir C/raxmaan Odawaa oo ku Baaqay in La Joojiyo Colaada ka Taagan Magaalada Gaalkacyo

0

Wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Soomaliya Mudane C/raxmaan maxamed Xuseen Odawaa ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada kasoo cusboonaaday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo warbaahinta la Hadlayay ayaa sheegay  in dowlada soomaliya ay  aad kaga xun Tahay dagaalada saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, isagoona Tacsi u direy  Ehelada dadkii ku dhintay dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ugu baaqay Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland c/kariin Xuseen Guuleed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas in ay iskugu Yimaadaan Miiska wada-hadalka si xal buuxa loogu gaaro dagaalkii saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here