Dhageyso: Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  oo ka Hadlay Halka uu Marayo Barnaamijka Hiigsiga Sanadka 2016-ka

0

Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh  maxamuud oo shir Jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka Hadlay Barnaamijka Hiigsiga sanadka 2016-ka ee Doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa Tilmaamay in shirarka wadatashiga ah lagu balaariyay gobolada dalka soomaliya dhawaan lagu soo gabagabeeyay shirarkaasi iyadoo afkartooda ay ka dhiibanayeen bulshada ku nool gobolada dalka soomaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha soomaliya Muhiimada Shirarka loogu Hadlaayo hiigsiga sanadka 2016-ka in ay yihiin kuwa la doonaya in loogu baxo Marxalada Haatan uu dalka ku jiro waa sida uu Hadalka u dhigay Mudane Xasan sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa shirkiisa Jaraaid ku sheegay in dhawaan la qaban doono shir Lagu Falanqeynayo wixii kasoo baxay shirarkii dhawaan Lagu qabtay Gobolada dalka soomaliya

Dhawaan ayay aheyd Markii Gobolkada Dalka soomaliya Lagu soo gaba-gabeeyay shirarkii loogu Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga sanadka 2016-ka ee doorashooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here