Ciidamada dalka Belgium-ka ayaa heegan Buuxa la galiyay kadib Markii waaxaha dalka Belgium-ka ay sheegeen in laga cabsi qabo weeraro lamid ah kuwii ka dhacay dalka france in ay ka dhacaan dalka Belgium-ka
Raisulwasaaraha dalka Belgium-ka Charles Michel ayaa xaqiijiyay in laamaha amaanka dalka Belgium-ka ay ogaadeen in kooxaha daacish ay rabaan in weeraro ay ka geysteen Gudaha Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka
Dhanka kale Ciidamo aad u Fara badan aad u Hubeysan ayaa maanta lagu arkayay magaalada Caasimada dalka Belgium-ka ee Brussels kuwasoo watay gadiidka dagaalka iyo Hubab casri ah oo loogu Talagalay xaqiijinta amaanka dalkaas,
Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Paris ee Dalka France ay ka dhaceyn weeraro isqarxin ah oo Lagu qaaday meelo muhiin ah oo ku Yaala Magaalada Paris ee dalka France.









